Nadiga Arsenal Oo lafilayo in ay Magacawdo Unai Emery


Tababare ku xigeenka Manchester City iyo kabtankii hore ee Arsenal Mikel Arteta ayaa aad loo filayay in uu badali doono Arsene Wenger.

Emery ayaase la isku raacay ka dib markii habka shaqaalaysiinta la mariyay dhammaan murashaxiintii tartamayay oo waraysi lala yeeshay.


Ninkan reer Spain oo 46 jir ah ayaan wax shaqo ah haynin ka dib markii ka tagay kooxda Paris St-Germain oo uu tababarayay, isaga oo la qaaday koobka Ligue 1 iyo afar koob oo kale oo dalka Faransiiska laga dheelo, isaga oo xilka hayay labo xilli ciyaareed.

Horayna Sevilla ayuu saddex jeer oo xiriir ah ula qaaday koobka Europa League intii u dhaxaysay 2014kii ilaa 2016kii.


Emery ayaa bishii hore ku dhawaaqay in uu ka tagi doono kooxda PSG oo hanatay hoggaanka Faransiiska marka uu dhammaado qandaraaskiisu dhammaadka xilli ciyaareedka. Waxaana baddalay Thomas Tuchel oo horay tababare ugu soo noqday kooxda Borussia Dortmund kaas oo isna lala xiriiriyay Arsenal.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*