Laacibka Mohamed Salah Ma Afuri doonaa Mise Wuu Soomayaa Maalinta Final-ka Champions League-ga


Laacibka Liverpool ee Mohamed Salah ayaanan wax cuni doonin saacadaha ka horreeyay ciyaarta kama dambeysta ah ee tartan Uefa Champions League-ga isagoo adkeynaya waajibka bisha barakeysan ee Ramadaan.


Salah ayaa noqday mid bandhig loo riyaaqo sameynaya xilli ciyaareedkiisa ugu horeeya, waxaana ay Reds ku tashanaysaa inuu qeyb libaax leh ka qaadan doono kullanka ay foodda dari doonaan kooxda Real Madrid sabtida marka saacadda Kiev gaarta 7:45pm.


25-jirkaan ayaa soo billaabay soonka bisha Ramadaan 16-kii May, tan iyo xilligaasna sida waajibka ah wax ba ma uusan cunin, waxna ma cabin inta ay qorraxda soo jeeddo, waxaana wargeyska Masaarida ah Al Masry al Youm uu sheegay inuu diiday laacibkan inuu furo soonkiisa.

Magaalada Kiev ee dalka Ukraine ayaa waxa ay qorraxda u dhici doontaa ka hor 30-daqiiqoo billaabashada kullanka, taasi oo fursad u siineysa in Salah uu xoogaa cuno ah afka gelin doono.

Mohamed Salah ayaa isha ku haya goolkiisa 44-aad ee xilli ciyaareedkan Liverpool u dhalinayo, isagoo tan iyo markii kasoo dhaqaaqay Roma lagu tiriyay inuu ka mid noqon karo musharraxiinta abaal marinta Ballon d’Oro.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*