SAWIR:Dalka Rwanda Oo Heshiis 3 Sano Ah La Gashay Naadiga Kubada Cagta Arsenal


Naadiga Arsenal oo ka mid ah kooxaha ugu waaweyn horyaalka dalka Britain ayaa heshiis 3 sano ah la saxiixatay dowlada Rwanda taasoo ah inay kooxda ka qeybqaadato Xayeysiinta iyo dhiirigelinta Dalxiiska dalka.

Waxaad ku arki doontaa (Visit Rwanda) oo ku shaabadeysan dhinaca bidix ee Funaanadda kooxda kuwa heerka koowaad, kuwa ka yar 23-jirka iyo ciyaaraha gabdhaha Arsenal oo xilli ciyaareedka cusub ee August soo galaya garoomada.

Waddanka Rwanda ayaa waxaa soo maray sanadihii sagaashamaadkii dagaalo isir naceyb ah iyo Xasuuq kii ugu weynaa ee caalamka ka dhaca oo lagu dilay ku dhowaan hal milyan oo qof sadex bilood gudahood.

Balse dalkaasi ayaa waxaa ka dhacday dib u heshiisiin balaaran xilligan waa mid ka soo kabtay wixii ka dhacay Madaxda iyo dadkuna waxay ku fekerayaan in dalkooda uu la Jaanqaado caalamka intiisa kale waxaana lagu sameeyey dalkaas dib u dhis xooggan isagoo haatan ka mid ah dalalka afrika ugu horumarka badan.



Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*