Kulankii Italia -Sacudiga :Mario Balotelli Oo Ku Durduriyey Xulka Sacuudiga


Xulalka labada Waddan Italia iyo Sacuudiga  Waxa ay xalay Ciyaar Saxaiibtinimo ku dhex martay Garoonka Kybunpark Stadium ee dalka Switzerland.


Ciyaar-yahanka Mario Balotelli ayaana goolkii 1-aad daqiiqadii 1-aad ku daah-furay, iyadoo Kooxda Azzurri ay Sacuudiga ku legdeen 2 gool iyo hal gool.

Mario Balotelli oo markii ugu dambaysay xulka Talyaaniga u ciyaaray Koobkii Adduunka ee sannadkii 2014-kii ayaa xalay soo bandhigay Ciyaar xirfadaysan, wuxuuna daqiiqadii 69-aad uu Goolkii 2-aad ka dhaliyey Xulka Sacuudiga.

Mario Balotelli oo 27-jir ah waxa Garoonka laga saaray intaysan ciyaarta dhamaanin, kadib, markii uu muruqa xanuunay.


Xulka Sacuudiga waxaa goolka keliya ee ay dhaliyeen u saxiixay Ciyaartoygooda Yaxya Al-shehri.

Mario Balotelli oo 4 sanno ka hor Xulka Talyaaniga uga qeyb galay Koobkii Adduunka ee lagu qabtay dalak Brazil waxaa mar kale u yeeray Tababaraha Xulka K/cagta Talyaaniga, in Roberto Mancini oo mar Maareeye u ahaa Kooxda Manchester City.

Tababare Roberto Mancini  ayaa sheegay inuu Mario Balotelli nafta ku soo celiyey Kooxda AZZURRI, kadib, markii uu dhaliyey 2-dii gool ee ay ugu itaal sheegteen Xulka Sacuudiga.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*