UEFA Oo Laga Yaabo in ay Baarto sida dhaawacu u gaaray Maxamed Salaax


Xiriirka kubadda cagta Yurub ee UEFA ayaa ka fiirsanaya suurtogalnimada in uu bilaabo baaritaan ku saabsan dhaawaca gaaray xidigga Liverpool, Maxamed Salaax, ee ku dhaawacmay mar ay isku dhaceen isaga iyo Sergio Ramos oo ah kabtanka kooxda Real Madrid ciyaartii kama dambasyta ahayd ee tartanka horyaalka Yurub.

UEFA ayaa BBC-da u sheegtay in gudiga anshaxu dhacdaa eegayey laga bilaabo markii ciyaartu dhamaatay habeenimadii Sabtida.

Hase ahaatee af-hayeen u hadlay UEFA ayaa sheegay in aanay weli soo gaarin cabasho rasmi ahi oo ka timid kooxda Liverpool iyo Salaax toona.


Maxamed Salaax ayaa waxa dhaawacu ka soo gaaray ciyaartii kama dambaysta ahayd ee koobka horyaalka Yurub ee ay iskaga hor yimaadeen kooxdiisa Liverpool iyo Real Madrid oo guushu 3-1 ku raacday.


Salaax waxa uu saftay soddonkii daqiiqo ee ugu horeeyey ciyaarta, laakiin waxa tabaraha kooxdu go’aansaday inuu bedelo maadaama oo dhaawac soo gaarhay, waxaana loo malaynayaa in garabka iyo gacantu kala baxeen.

Inkasta oo uu dhaawacaasi gaaray ayaa hadana Salaax waxa uu doonayey in uu ku sii jiro ciyaarta hasse ahaatee way ku adkaatay oo isaga oo ilmo ka qubanayso ayuu ka baxay garoonka.

Waxaanay khubaradii ka faaloonaysay ciyaartu sheegeen in dhacdadaasi niyad jab weyn ku noqotay kooxda isla markaana ay sidaa ku waaweeyn ciyaartoy farsamo fiican oo uu ciyaarta kooxda ku dhiso lahaa iyo xagal daac ku yimid hindisihii ciyaareed ee tabobaraha kooxda.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*