Maxaa Ka Jiro Laacibka Karin Benzema uu Lumiyay Dulqaadkii uu Madax Xirhiirka kubbada Cagta France u Hayay.


Madax waynaha xiriirka kubbada cagta France ee Noel Le Graet ayaa si wayn uga caraysiiyay Karim Benzema kadib markii uu taariikh hore ku tilmaamay in xidiga kooxda Real Madrid uu qayb ka noqdo xulka qarankiisa France.

Karim Benzema ayaa sanadihii ugu danbeeyay ganaax laga saaray waajibaadka xulka qarankiisa France laakiin hadalo cusub oo uu Noel Le Graet saxaafada ka sheegay ayaa Benzema ku kaliftay in uu afka furto.

Noel Le Graet ayaa Karim Benzema ku amaanay bandhigii uu ka sameeyay finalkii UEFA Champions League ee ay kooxdiisa Real Madrid guusha ka gaadhay Liverpool laakiin waxa uu ku adkaystay in laga hadlo Benzema iyo xulka qaranka France in taasi ay tahay sheeko hore oo waqti hore ahayd isla markaana ay ka dhaqaaqeen.

Laakiin markii uu Karim Benzema si fiican uga bogtay hadalka madax waynaha xidhiidhka kubbada cagta dalkiisa France ee Noel Le Graet waxa uu bartiisa twitterka ku soo qoray fariin cadho wayn xambaarsan balse uu ku muujiyay in uu hadalka ugu danbeeyay ee Noel Le Graet ku ogaaday wajigiisa dhabta ah iyo wixii uu markii hore jacaylka uu beenta ka sheegayay ku qarinayay.

hadalka Karim Benzema ka caraysiiyay ee uu sheegay madax waynaha xiriidhka kubbada caga France ee Noel Le Graet wuxuuna isaga oo Benzema iyo xulka qaranka France uu ka yiri: ” Waa taariikh hore, anagu dib uma laaban karno. Qof kastaaba waxa uu waafaqsan yaahy in isagu uu ciyaartoy fiican yahay, ka waqtiga oo dhan Real haya, waajib kuguma aha in aad sheekooyinka sheegtaa”.


Noel Le Graet oo bandhigii Benzema ee finalka Champions League ka hadlaya ayaa yiri: ” Finalkii waxa uu ahaa khaas , laakiin waa taariikh hore oo qadiimi ah (ee xulka France), kooxdayada France hadda waxay leedahay hanaankeeda ciyaareed isla markaana dib uma laaban karno”.

Eryada ugu danbeeya ee uu madax waynaha xidhiidhka kubbada cagta France ee Noel Le Graet uu ku sheegay in xulka qarankiisu uu hadda leeyahay hanaan ciyaareed oo ka fiican markii uu Karim Benzema joogay ayaa ah waxa uu Benzema ka cadhooday iyo waliba in ka hadalkiisa xulka qaranka France uu taariikh hore oo qadiimi ah ku tilmaamay.

Aan hoose ugu soo degno jawaabta kulul iyo erayada aan naxariistu ku jirin ee uu Karim Benzema kala dul dhacay Noel Le Graet isaga oo waliba isku dayay in uu wax ixtiraam u eeg ku daro wuxuuna yidhi: ” Mr. Le graet iyada oo ixtiraamka oo dhami uu jiro, waxaad adigu lumisay fursadii aad ku aamusnaan lahayd, sababtoo ah waxaan ogaaday wajigaaga dhabta ah ee aan ahayn midka aniga jacaylka badan iga sheega iyo in aanad faro galin doorashada iyo xulashada tababaraha”.

Hadalka Karim Benzema ayaa si cad looga fahmayaa sida uu uga carooday erayada Noel Le Graet, waxaana sidoo kale laga fahmayaa in Benzema uu hogaamiyaha xiriirka kubbada cagta dalkiisa uu ku eedeeyay munaafiqnimo iyo in uu laba waji oo kala duwan isticmaalo marka uu arintiisa ka hadlayo.


Monsieur Le Graët avec tout le respect que je vous dois vous avez perdu une occasion de vous taire car je découvre votre vrai visage qui n’est pas celui qui disait beaucoup m’aimer et ne pas se mêler de la sélection et des choix du sélectionneur !

— Karim Benzema (@Benzema) May 30, 2018

Sida aad arki karto Karim Benzema ayaa fariintan ku soo qoray bartiisa twitterka iyada oo ku qornayd luuqada dalkiisa Faranskiiska waxayna hadda u muuqataa in Benzema uu lumiyay dulqaadkii uu madax xidhiidhka kubbada cagta France u hayay.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*