Dagaal Adag Oo Caawa Ka Dhacay Xaafado Ka Tirsan Muqdisho


Wararka Caawa laga helayo Xaafada Suuqa Xoolaha ee degmada Hurwaa ayaa Shegaya in Caawa ay ka dhaceyn dagaalo u dhaxeeyey Ciidamada Dowladda iyo Al-Shabaab.


Dagaalka ayaa yimid ka dib markii rag hubeysan ay weerareen Caawa markii laga baxay afurka Xarumo Ciidamada dowladda ku leeyihiin Isgoyska Sos iyo agagaarka Baar Jowhar ee degmada Hurwaa,sida ay Sheegeen dad ka agdhow goobihii lagu dagaalamay.


Sidoo Kale Waxaa Lagu Soo Waramayaa  in Khasaaro Kala Duwan uu dagaalkaas Ka Dhashay,in kastoo weli sidhab ah loo ogeyn tirada dhimasho iyo midka dhaawac ah.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*