Taliyaha CXD Somaliya Oo Garay Kismayo


Taliyaha ciidanka xoogga dalka Janaraal Cabdiweli Jaamac Gorod iyo Saraakiil ka tirsan taliska ayaa Gaaray Magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG ee dawlad goboleedka Jubbaland.

Jenaraal Cabdiweli Jaamac Gorod iyo wafdigiisa waxaa Garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyey Masuuliyiin ka tirsan Jubbaland, waxaana ay kulan la qaateen madaxwaynaha Jubbaland, kaas oo looga hadlay dar-dargalinta hawlgallada ka dhanka ah AL-shabaab.

Taliyaha ayaa sidoo kale kormeeray deegaanka Baar Sanguuni ee duleedka Kismaayo, halkaas oo dhawaan qarax ismiidaamin ah lagu weeraray wallow laamaha ammaanka ay sheegeen in ay fashiliyeen.


Jen Gorod ayaa ciidamada ku bogaadiyey guulaha wax ku oolka ah ee ay ka gaareen dagaaladii ay ku qaadeen Al-shabaab Bisha Ramadaan ee ka dhacay Gobolada Jubooyinka, Baay, Bakool, Shabeelooyinka iyo Hiiraan, kuwaas oo lagu dilay in ka badan 120-ka tirsan Al-shabaab.


Socdaalka Taliyaha ciidanka xoogga dalka ayaa la xiriira xoojinta hawlgalada ay ciidamadu wadaan iyo sidii tababaradooda iyo qalabkooda sare loogu qaadi lahaa.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*