Dil Xalay Ka Dhacay Degamada Dharkeenleey Muqdisho


Waxa Ladilay Mid ka mid ah Ergadii Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya soo xushay Waxaa xalay fiidkii lagu dilay degmada Dharkeyneley ee gobolka Banaadir, sida ay sheegeen dadka deegaanka.


Ninkan oo lagu magacaabi jiray Xasan Cali Ibraahim (Gaadaay) ayaa waxaa dilkiisa ka dambeeyay rag bastoolado ku hubeysnaa, kuwaasi oo qeybta sare ee jirkiisa ka toogtay, kadibna goobta ka baxsaday.

Marxuumka ayaa la dilay xilli uu ka soo baxay salaada Taraaxwiixda ayadoo  uu dilkiisa Ka dhacay   Degamada Dharkenleey.

Wararka ayaa Sheegaya Ninka la dilay uu kamid ahaa ergadii wax ka soo dooratay Xildhibaanada Baarlamaanka ka soo gashay Deegaanada Koofur Galbeed, si gaar ah waxa uu usoo doortay Gudoomiyaha Guddiga xeer hoosaadka Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamuud Macalin Yaxye.


Dhinaca kale Ciidamada Booliska Soomaaliya Sida   lagu Yaqaanay ayaa waqti dambe gaaray halkaasi, waxayna qaadeen meydka marxuumka, oo ay geeyeen Xarunta Hay’adda dambi baarista ee CID.

Hase ahaatee Ururka Al-Shabaab, ayaa Horay ugu  hanjabay Dil cid kasta oo ka qayb qaadatay soo xulista Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*