In Ka Badan 40 qof oo ku dhimatay dagaal dhex maray Soomaali iyo Orommo


Dagaalka  u dhaxeeya labada Qoomiyadood oo ka soo kala jeeda Soomaalida iyo Orommada, Waxa uu iska hor imaad ku dhex maray meel aan ka fogeyn Tulli Guuleed oo qiyaastii 50  KM waqooyiga kaga beegan magaalada jigjiga.Deegaankaas ayaa xad la leh dhulka buuraleyda ah ee Harar, gaar ahaan degmada Jiracsaney ee ay Orommadu degto.

Wararku waxay sheegayaan in ugu yaraan 40 qof oo labada dhinac ka kala tirsan ay ku dhinteen seddexdii usbuuc ee u dambaysay oo dagaalladu ay dib u soo cusboonaadeen.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in bilihii u dambeeyey ay deegaankaas ku sugnaayeen milateriga dawladda Itoobiya, balse ay dagaalladu soconayeen, kuwaasoo sii xoogaystay dhowrkii maalmood ee u dambeeyey.

Warar ayaa sheegaya in ay jiraan dad ka qaxay tuulooyin u dhow halka lagu dagaallamay, ayadoo dadka dagaalladaas ku dhaawacmayna loo kala qaaday Tulli Guuleed iyo Jiracsaney.


Weli labada maamul ee Soomaalida iyo Orommada, iyo dawladda Federaalka ee Itoobiya kama aysan hadlin dagaalladaas.


Inkastoo ay labada jufo dagaallami jireen tan iyo 1980-meeyadii, misna dadka la socda arrimaha ku saabsan khilaafka u dhaxeeya Soomaalida iyo Orommada waxay sheegayaan in uu markan salka ku hayo xiisadda guud ee u dhaxaysa labadaas qabiil.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*