MAQAAL:GUULEYSTIHII AAN QUUSAN EE HORUMARKA GAARAY


Magaciisu waa “Henry ford”, waxa uu dhashey Bishii July 30-kedii Sannadkii 1863-kii waxaana uu ku dhashey “Green field township Michigan” ee dalka Mareykanka.

Waxa uu wax ka bartay mac-hadka “Bryant stratton college” iyo “Detroit business institude”.

Henry ford wuxuu noloshiisa ka bilaabay meel hoosaysa, waxuu sheegay in ka badan 5 jeer inuu ku guuldareystay hiigsigii uu ka lahaa nolosha.


Deddaal iyo adkeysi badan iyo isaga oo aan ka quusan in uu guulaysto ayuu ku hantay inuu yeesho warshadda dunida ugu fiican ee soo saarta gawaarida ama baabuurta ee lagu magacaabo “Ford”. Waxa ay warshadaasi soo saartaa malaayiin baabuur ah sanad walba.

Henry ford waxa uu sidoo kale ahaa qoraa qorey buuggaag farabadan, kuwaas oo dunida caan ka noqdey waxaana kamid ah “My life and work” oo micnaheedu yahay nolashayda iyo shaqadayda, waxaana uu soo saaray buugan sannadkii 1922-kii.

Sidoo kale waxa uu soo saaray buuggii la magac baxay “Maanta iyo Beri” Sadex sano kadib qoristiisii buugga “My life and work” ee soo baxay sannadkii 1926-kii.

Henry ford waxa uu ka mid ahaa 16 ka qof ee dunida casriga ah ugu hodansan, dakhligiisana waxaa lagu qiyaasi jiray 188 ilaa 199 billion oo Dollar.

Murtiyada qiimaha badan ee laga dhaxlay waxaa kamid ah:

“Isku imaantinku waa bilow, sii wada jirkuna waa horumar, wada shaqeyntuna waa guul”.

“Fikraddu waa shaqada ugu adag ee la qabto, taasina waa sababta dad tiro yar ay isugu howlaan”.

“Badi dadku waxa ay waqti iyo tamar badan ku bixiyaan ka wareegista dhibaatada halkii ay isku dayi lahayeen in ay xalliyaan”.

Herry ford waxa uu geeriyooday Bishii April 7-dedii Sannadkii 1947-kii isagoo 83 jir ah guulo badana ka gaarey hankiisii.


Dulucda waxa ay tahay walaal in aadan quusan, juhdi badanna aad ku bixiso ka mira dhalinta riyadaada iyada oo ugu dambeyntii adkeysi iyo juhdi ka dib rumoobi doonta hadii Alle idmo.

 

Fadlan Walaal adigoo Mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalkan.

Qalinkii: Abdiwahab Mohamed Bacle.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*