Waa Siidee Xaalada Kullamada Galabta Iyo Caawa Laga Dheelayo Koobka Adduunka


Dhawr ka mid ah ciyaartoyda Sweden ayaa Instagram ka hor kulanka England maanta ay ku wajahayaan Samara, waxay ay ku xaqiijiyeen inay diyaar u yihiin inay garaacaan Three Lions si ay u gaaraan wareega semi-finalka koobka adduunka.

Markii ugu dambeysay ee Sweden ka qeyb gasho marxalada wareega quarter-finalka Koobka Adduunka waxay aheyd 1994, markaasoo ay ku garaaceen rigoorayaal xulka Romania.

England, markii ugu dambeeysay oo ay ciyaaaraan marxaladaan oo kale waxay ay aheyd 2006, markaasoo ay guuldarro kala kulmeen xulka qaranka Portugal.

Tani waxay noqon doontaa markii ugu horeysay ee England iyo Sweden ku kulmaan Koobka Adduunka tan iyo kulankii barbaraha 1-1 kusoo dhamaaday ee 2006.

Hadday dhacdo maanta in Sweden ka reebto tartanka xulka England waxay u muuqan doontaa inay sii socato mucjisada kubadda cagta.

Waa markii ugu horeysay 24 sano kadib Sweden gaaraan marxaladaan siddeed dhamaadka koobka adduunka.

Sidookale Ingariiska ayaa doonaya in ay dib ugu soo laabtaan muddo ka badan 50 sano kadib wareegyada ugu dambeeya koobka adduunka oo ay ugu dambeysay Finalkii 1966-dii.

Ciyaartaan ayaa la daawan doonaa galabta saacadu marka ay tahay 5:00 Galamnimo.

Dhinaca kale Ruushka ayaa diyaar u ah inuu ciidiisa ku dagaalamo markale caawa xulka qaranka Croatia.


Tababaraha Croatia Zlatko Dalic ayaa horey u sheegay in tartanku uu dhankooda hami weyn kaga jiro, , laakiin cudubka nolosha cusub ee u bilaaabatay Russia oo reebay Spain ayaa cabsi badan ku ah.

Ruushka iyo Croatia ayaa ku kulmay kaliya seddex jeer tartamada caalamiga ah, iyadoo Labada xulba barbaro ay ku dhameysteen kulankii UEFA Euro 2008dii , ka hor inta Croatia 3-1 kaga badin Rostov qaranka Russia 2015.

Isagoo ka hadlayay shirkiisa jaraa’id ee Jimcadii, Ivan Rakitic ayaa yiri: “Aniga ahaan kulan walba waa mid gaar ah marka aan u ciyaarayo xulka qaranka.


kadib guulihii Switzerland iyo Spain, xulka Croatia waxay rajeynayaan inay gaaraan marxalada ugu dambeysa tartankaan.

Ruushka ayaa caawa kula ciyaaraya Croatia kulanka ugu dambeeya ee marti galiyo garoonka ku yaala magaalada Sochi ee Fisht Stadium.

Taageerayaasha xulka martida loo yahay ayaa rajeynaya inay gaaraan ciyaarta semi-finalka.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*