DEG.DEG:Afhayeenkii Wasaaradda Amniga Oo Shaqada Laga Eryey


Afhayeenkii Wasaaradda Amniga Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Casiis Cali Ibraahim xildhibaan ayaa xaqiijiyey in dowladda Soomaaliya ay soo gaarsiisay warqad xilka looga qaadayo.


Isaga oo Caawa La Hadlay Warbahinta ayuu sheegay in Warqadaas uu soo gaarsiisay Wasiirka Amniga balse isagu mudo Shan Cisho ah ka hor uu xilkii Afhayeenimo iska casilay wallow aysan jirin in uu Warbaahinta la wadaagay is casilaadaasi uu   Sheegay.

C/Casiis Xiladhibaan ayaa  sheegay in sababta uu isku casilay ay aheyd in uusan jecleyn in dalkaan uu dhibaatada weli kusii jiro.


Dhinaca kale Shalay ayay aheyd Markii uu  Afhayeenka Wasaaradda Amniga Soomaaliya uu jeediyey hadalo uu ku weeraray Madaxda dowladda Soomaaliya si gaar ah laamaha amniga,isaga oo ka fal celinayey weerarkii Al-Shabaab Sabtidii ay ku qaadeen Xarunta Otta Otte oo ay ku yaalaan Xarumaha Wasaaradaha amniga iyo Gudaha.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*