Dad Soomaali Ah Oo Lagu Gowracay Guddaha Dalka Itoobiya


Wararka ka imaanaya Tuulada Guuleed oo u dhaxeysa deegaannada Soomaalida iyo Oromada ee Itoobiya ayaa waxay sheegayaan in halkaasi lagu dilay Shan qof oo Soomaali ah, walibana ay Gowraceen Oromada.


Nabadoon Maxamed Maxamuud oo ka mid ah waxgaradka Soomaaliyeed ayaa sheegay in raggan ay soo weerareen rag hubeysan oo Oromo ah, sidaasina ku qabteen, kadibna ay ku Gowraceen.


“Xaaladda deegaanka aad bay uga dartay, Shan qof oo Soomaali ah ayeey Oromadu Gowraceen, dagaalka wuu sii socdaa oo Labada dhinacba sidan bay isku dilayaan, xalna ma jiro” ayuu yiri Nabadoonka.

Dadka Soomaalida ah ayaa isaga soo barakacay deegaannada ay ku xooggan yihiin Oromada, dagaalladuna waa mid aan joogsi lahayn. Ujeedka ay u socdaan ayaa ah Dhul Balaarsi ay Waddan qoomiyada Oromada

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*