Laacibka Jack Wilshere Oo Ka Hadlay go’aankiisii uu ugu biiray Westham


Jack Wilshere ayaa sheegay in uu ku faraxsanyahay kubiirista West Ham United sidoo kalana shaaca kaqaaday in macallinka cusub ee kooxda Manuel Pellegrini uu door muhiima kaqaatay sidii uu uu ugu soo dhaqaaqi lahaa London Stadium.

26-jirkan ayaa si rasmi ah ugu biiray Hammers maanta sidoo kalana u saxiixay heshiis seddex sano ah, isagoona si bilash lagu heli karay kadib katigataankisi Gunners.


Waxa uu Twitter-kiisa ku qoray “Waan ku faraxsanahay in aan si rami ah ugu saxiixo West Ham.


“Kadib markii aan lahdlay tababaraha iyo kuwa kusugan kooxda waxaan ogaaday in uu mustaqbalkaygu yaallo London Stadium mana sugi karo in aan bilaabo.

“Taagerayaasha West Ham waa kuwo aad u wanaagsan waxaan doonayaa in aan siiyo wax walba waa in aan caawiyaa kooxda si aan dhammaantiin uguulaysataan.”

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*