Madaxweeyne Shariif Xasan ” Ciidamada AMISOM Waa Ka Adkaan Waayeen Al-Shabaab”


Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan  ayaa Ciidamada Midowga Africa ee AMISOM ku eedeeyay in ay ka adkaan waayeen Al-Shabaab walina ay dhibaato badan ka taagan Tahay deegaanada Maamulkiisa.


“Ciidamada AMISOM waa ku guul dareesteyn in ay isu furaan isticmaalka wadooyin muhiim oo ku yaala deegaanada Koofur Galbeed, Gaar ahaan degmooyinka 3-da Gobal ee ka kooban tahay Koofur Galbeed, meelaha qaar way ka raageyn isticmaalkooda shacabna kuma dhiiran karaan” ayuu yiri Shariif Xasan Sheekh Aadan.


Sidoo kale Hadalkaan ayuu ka jeediyay Shalay Baarlamaanka maamulka koofur Galbeed hortooda xili ay halkaasi goob joog ahaayeen Xildhibaano ka tirsan Labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya oo laga soo doortay Koofur Galbeed iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya.

Si kastaba Ha ahaatee Lama Garanayo Sababta ay Ciidamada AMISOM ay Dagaalka U joojiyeen Madaama Loo Kordhiyay Joogitaankooda Inkastoo Shacabka Soomaaliyeed Qaraakood ay Tilmaamayaan AMISOM Waxa ayna Yiraahdeen ” Waa Dhaqaalo Raadis Dalka Malahan Blase Ciidamadii Soomaaliyeed ayaa Ka Baqaya Alshabaab” Sasabtaasi Waxa ay Ku Sheegeen Ma Heeystaan Daryeel Caafimaad Hadii ay Ku Dhawaacmaan Dagaalada ay La Galaan Al-shabaab

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*