Madaxweyne Farmaajo iyo Xasan Shiikh Maxamuud oo ku kulmay Turkiga


Magaalada Ankara ee Caasimadda Dalka Turkiga waxaa ku kulmay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud.


Qoraal uu Madaxweyne Farmaajo soo dhigay Page-kiisa Facebook ayaa lagu yiri.


“Waxaan maanta kula kulmay magaalada Ankara Madaxweynihii hore Mudane Xasan Sheekh Maxamuud. Waxaanu iska wareysannay horumarka, fursaddaha iyo caqabaddaha horyaalla dalkeenna, annaga oo isla qaadannay ahmiyadda ay leedahay iskaashiga iyo wada shaqeynta madaxda haatan iyo kuwii hore ee dalka si loo xaqiijiyo mustaqbal barwaaqo u horseeda dadkeenna”.

Wararka la helayaa sheegaya in Labada Madaxweyne ay isku soo hadal qaadeyn arimaha Siyaasadda, amaanka iyo Arimo kale.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*