Xildhibaan Faarax “Shaqooyinkii Baarlamaanka Hirshabelle Waxaa Hakad Geliyay Amni Darada Ka Jirta Wadada Isku Xirta Balcad Iyo Jowhar”


Maamulka HirShabeelle ayaa bilaabay in ay Ciidamo dheeraad ah geeyaan wadada isku xirta magaalooyinka Balcad iyo Jowhar ee Gobalka Shabeelaha Dhexe kadib markii ay halkaasi ku batayn weerarada ay Ka Geeystaan Al-shabaab.

Saraakiisha amaanka ayaa  Ciidamo cusub Geeyay deegaanada Garsaale iyo Qalimow oo ku yaala inta u dhaxeysa Balcad iyo Jowhar waxaana sidoo kale dhawaan ay sheegeyn in ay Ciidamo geyn doonaan deegaanka ILBAQ oo ah halka ugu badan oo ay Al-Shabaab ka fuliyaan weerarada Jid galka ah.

Dhinaca kale Xildhibaan Faarax Maxamed oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka ee maamulka Hirshabelle ayaa  sheegay in shaqooyinkii baarlamaanka maamulkaasi uu saameeyey kulamada amni darada ka jirta wadada isku xirta Balcad iyo Jowhar oo Ka Tirsan Sh/dhexe .

Waxa uu sheegay xildhibaanka in maanta oo Talaado ah la doonayey in la furo kalfadhigii baarlamaanka Hirshabelle , balse dib u dhac ku yimid.


Sababaha dib u dhaca ayuu sheegay in xildhibaannada oo aan kusoo safri karin wadada isku xira Muqdisho iyo Jowhar, sidoo kalena loo baahan yahay diyaarado lagu soo daabulo.


“Amniga Waddada  waad la socotaan, wadadana xilligaan la iskuma soo aamini karo, waa tii ay Labo xildhibaan oo qaali ah nooga dhinteen, waxaa laga fekerayaa sidii diyaarado loogu soo daabuli lahaa xildhibaannada” ayuu yiri xildhibaan Faarax.

Al-shabaab ayaa marar badan waxay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Hirshabelle u galeen wadada isku xirta Balcad iyo Jowhar. Hase ahaatee Dadka Qaar ayaa Ku eedeeyay Maamulka Hirshabelle In aysan Daacad Ka aheeyn In ay Wax qabtaan Aminiga Degaanada Hirshabelle.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*