Ciidamada Dowlada Oo Dilay Oday Dhaqameed Ka Soo Jeeda Degaanka Qansax-dhere


Wararka Laga Helayo  gobolka Baay ayaa sheegaya in maanta Ciidamada milatariga Soomaaliya weerar qorsheysan ay ka fuliyeen duleedka degmada Qansax-Dheere ee gobolkaasi.

Weerarkan ayaa la sheegay in Ciidamada dowladdu ay ku dileen Ugaas Cabdiyow oo si weyn looga yaqiinay gobolka Baay ee koonfurta Soomaaliya.


Qaar ka mid ah dadka deegaanka  ayaa sheegay in Marxuumkaasi lagu dilay Waddada soo gasha deegaanka Ufurow ee gobolkaasi.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha Ciidamada ee G/ Baay oo ku aadan dilka Nabadoonkaasi iyo weerarka ay ka fuliyeen halkaasi.


Deegaanka Ufurow iyo nawaaxigiisa ayaa waxaa ku suguan dagaalyahannada Xarakada A Shabaab oo inta badan weeraro ka fuliya gobolkaasi.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*