Guddomiye Mursal” Kalfadhigii 3aad ee Baarlamaanka Waxaan Ku Xeray Waraaq aan Soo Qoray”


Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa ku dhawaaqay in la soo xiray kalfadhigii 3aad ee Baarlamaanka.


Qoraal loo kala diray Xildhibaanada Golaha Shacabka, Laguna ogeysiiyay Golaha Wasiirada iyo Madaxweynaha ayaa lagu sheegay in si rasmi ah Kalfadhiga 3aad loo soo xiray 10-kii bishan July.


Guddoomiye Mursal ayaa sheegay in kalfadhiga 4aad uu furmi doono 10-ka September ee soo socoto, iyadoo wixii ka horeeyana ay fasax galayaan Xildhibaanada.

Kalfadhigii 3aad ee Baarlamaanka oo soo bilowday 10-kii bishii March ayaa markii uu furmay waxaa hareeyay qalalaaso siyaasadeed oo ka dhashay mooshin laga keenay Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, kaasoo markii dambe isku casilay cadaadis uga yimid Xildhibaanada iyo Xukuumadda.

Ugu danbeeyntii Fadhigii Baarlamaanka ayaa wixii ka dambeeyay markii la doortay Guddoomiye Maxamed Mursal waxaa uu noqday mid caga jiid ah, Oo aan Shaqeeyn waxaana kulamadiisa ay ahaayeen kuwo aad u yaraa, iyadoo sidii loo fasaxay bishii Ramadaan aanay mar kale dib la isugu soo noqon, waxaana muddooyinkii kalfadhiyada Baarlamaanka uu gaabiska galay lagu macneeyay  in Madaxda Qaranka ay ka danbeeyaan in aan la kulmin Gollaha Baralamaanka,

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*