Madaxweynaha Oo Dalka Dib Ugu Koo Laabtay Isagoo Ka Maqnaa Muddo Todobaad Dalka


Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo ka qeyb galay caleema saarka Madaxweynaha dalka Turkiga iyo shirka Madasha Iskaashiga Afrika iyo Shiinaha oo ka dhacay magaalada Jabuuti, ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay.


Madaxweynaha ayaa intii uu ku sugnaa magaalooyinka Jabuuti iyo Ankara waxa uu si gaar ah ula kulmay Madaxweynayaasha qaar ka mid ah dalalka Afrika iyo ka qeyb galayaal Caalami ah, waxa ayna ka wada hadleen danaha kala dhexeeya Soomaaliya iyo sidii loo xoojin lahaa.


Dhinaca kale Madaxweyne Farmaajo ayaa la filayaa inuu maalmaha soo socda u ambabaxo magaalada Brussels ee dalka Belgium, halkaasoo uu kaga qeyb galayo shir looga hadlayo arrimaha Soomaaliya oo ay ka wada qeyb galayaan Madaxda maamul goboleedyada iyo beesha caalamka.

Si kastaba Ha ahaatee Waa Madaxweeynihii ugu Horeeyay ee Dalka Ka Maqnaada Mudo Ku Todobaad,

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*