Weerar Ka Dhacay Duleedka Garisa Iyo Sarkaal Ciidan Oo la waayey


Taliyaha Boliska Garissa, David Kerina ayaa sheegay in La Waayay Sarkaal , kadib, markii ay  Alshabaab habeen hore weerar ku qaadeen Bar ay Boliska Kenya ku leeyihiin Tuulladda Hamey oo ku dhow xuduudka Kenya iyo Somalia.


Waxa uu intaasi ku daray inay Alshabaab horey u kaxeysteen Sarkaalkaasi, kadib, markii uu dhacay weerarkaasi oo uu xusay in 4 Askari lagu dhaawacay.

Dhinaca kale. Taliyaha Boliska Garissa, David Kerina waxa uu tilmaamay inay socdaan Hawlgal lagu baadi-goobayo Sarkaalkaasi oo la rumeysan yahay inay Alshabaab kala soo gudbeen Xuduudka.

Koox Gaareeysa  20 Nin Oo Alshabaab aad u hubeysan ayaa la sheegay inay dhowr jiho ka weerareen Xeradda Boliska Kenya ku leeyihiin duleedka Garisa, waxayna Alshabaab burburiyeen Taawarka Shirkadda Isgaarsiinta ee Safaricom oo ku taalla meel aan ka fogeyn Xeradda Boliska Kenya ku leeyihiin Xuduudka.

Alshabaab waxaa kaloo la sheegay inay gaari ay lahaayeen Boliska ku qabsadeen dagaalkaasi.


 

 

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*