DEG DEG:Qaraxyo Lala Eegtay Ciidamada AMISOM Iyo Shacab Ku Geeriyooday


Kolonyo ay la socdeen Ciidamo ka tirsan  AMISOM ayaa  goordhow qarax lagula eegtay Xaafada Suuqa xoolaha ee degmada Huruwaa.


Miinada nooca dhulka lagu aaso ah ayaa waxaa la sheegay in Ciidamada AMISOM lagula eegtay Xaaafda suuqa xoolaha gaar ahaan halka loo yaqaano buurka oo ah Goob aad u masqhuul badan.

Qof ka mid ah dadka Suuqa Xoolaha ayaa sheegay in qaraxa kadib ciidamada AMISOM ay fureyn rasaas farabadan,isla markaana ay ku geeriyoodeen saddex ruux oo shacab ah.

Waxa uu sheegay in qaraxa ka hor uu socday banaanbax ay dhigayeen dadka ku nool Xaafada Suuqa Xoolaha,iyaga oo ka cabanayey Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo shalay dad Shacab ah shalay halkaasi ku dilay.


Xaalada ayuu shegay in weli Maanta ay tahay mid kacsan,sidoo kale dhammaan la xiray goobihii Ganacsiga ee suuqa xoolaha,sidoo kalena mid ka mid ah Gawaarida AMISOM oo uu qaraxa haleelay uu yaalla goobtii lagula eegtay.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*