Maamulka Jubalanad Oo Soo Bandhigay Nin Ka Soo Gooysatay Alshabaab


Magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG ah ee maamulka Jubaland ayaa lagu soo bandhigay nin la sheegay in uu horay ugu tirsanaa kooxda Al-shabaab.


Taliyaha Ciidamada Nabad sugida iyo Sirdoonka ee maamulka Jubaland Axmed Muuse Xirsi ayaa goobjoog ka ahaa halka lagu soo bandhigayay o magaciisa lagu sheegay Aadan Huudow Cabdi.

Taliyaha ayaa sheegay in Aadan markii uu ka soo goosanaayay Al-shabaab uu watay Qori AK47 ah iyo Qasnado rasaas ay ku jirtay, waxaana taliyaha uu tilmaamay in loo lacageeyay Qorigaas iyo Rasaastii uu watayba.

Taliyaha Ciidamada Nabad sugida iyo Sirdoonka ee maamulka Jubaland Axmed Muuse Xirsi ayaa dagaalamayaasha kale ee ku haray kooxda Al-shabaab ka dalbaday in ay ka baxaan Al-shabaab iskuna dhiibaan maamulada dalka ka jira iyo dowlada dhexaba si mustaqbalkooda ay u qurxiyaan.


Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*