Dad U Geeriyooday Qashinka Shirkadaha Nadaafada Muqdisho ay Ku Daadiyaan Deegaanka Gubadley


Dadka deegaanka gubadley ee Magalada Muqdisho  waxa ay ka cabanayaan  cuduro ka dhashay qashin farabadan oo shirkadaha Nadaafada ay ka qaadaan Muqdisho,isla markaana ay geeyaan deegaankaas.


Bulshada ku nool deegaanka gubadley ayaa waxa ay sheegeen in caqabad ugu weyn ee deegaanka ka taagan ay tahay Nadaafad Daro Dhinaca Qashinka ah Waxaana Ka dhashay cuduro qashinkaas,isla markaana ay dad u geeriyoodeen cuduradaas kuwo kalena ay la jiifaan.

Sheekh Xuseen Jeelle oo ka mid ah dadka  deegaanka ayaa  sheegay in Cuduradaas ay u geeriyoodaeen Sideed Ruux 15 kalena ay la jiifaan,cuduradaas oo sabab u noqday nadaafad darro ka dhalatay qashinka deegaankaas ay geeyaan Gawaarida qashinka ka qaada Magalada Muqdisho.


Waxa uu sheegay in Maalin walba cabasho ay u gudbiyaan dowaldda Hoose ee Xamar,isla markaana warkooda aan laga soo jawaabin cabashadooda.

Dhinaca kale guddoomiyaha deegaanka Gubadley Nuur Cadow Jimcaale  ayaa sheegay in arrntaan ay gaarsiiyeen dowladda Hoose ee Muqdisho,Xukuumadda iyo Wasaaradda Caafimaadka.

Saddex bil ka hor ayay bilaabatay in qashinka shirkadaha Nafaafada geeyaan deegaanka Gubadley,ka dib markii la diiday in la geeyo deegaanka Jaziira oo markii hore la geyn jiray.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*