Dalka Qatar Oo Waji Cusub Laga yaabo in ay Ka sameyso Marti galinta koobka Aduunka


Dowlada Qatar oo ka mid ah dowladaha ugu yar yar carabta ayaa sanada 2022-da waxaa ay u sii diyaar garoobeysaa marti galinta koobka kubada cagta ee aduunka oo loo madlan yahay in ay marti galiso.

Xulalka ka qeyb galaya ayaa ah 32 kooxood sida caadiga ah balse waxaa suura gal ah in la gaarsiiyo ilaa 48 xul oo ka socda wadamada caalamka.


Dalalka dhaca koonfurta America ayaa galaangal ugu jira in la balaariyo xulalka ka qeyb galaya koobka Aduunka si ay wadamo badan ay fursad ugu helaan in ay ka qeyb galaan.

Madaxweynaha Xiriirka kubada Cagta Aduunka ayaa waxaa uu sheegay in ay dhageysan doonaan fikradaha ka soo yeeray dalalka daneynaya in la balaariyo kooxaha ka qeyb galaya tartanka.


Kaaliyaha Xoghayah guud ee dowlada Qadar u xil saartay u diyaar garowga cayaaraha Nasser al-Khater ayaa waxaa uu sheegay in diyaar u yihiin marti galinta kooxo badan hadii la meel maariyo.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*