Madaxda Hay’adda Amaanka Soomaliya oo Loogu Baaqay in ay Iscasilaan


Xildhibaan ka Tirsanaa Baarlamaankii 9-aad ee Dowladda Federaalka  Soomaaliya ayaa eedeen u jeediyay Madaxda Dowladda Soomaaliya.

Ex Xildhibaan Cabdi Barre Jibriil oo haatan kamid ah Siyaasiyiinta dhaliishan Dowladda Soomaliya oo la hadlay idaacadda Simba ayaa sheegay in Madaxda Dowladda Soomaaliya ay ku fashileen waxyaabo badan oo laga sugayay.

Waxa uu sheegay In 18-kii bilood aynu soo dhaafnay ay ku mashquuleen Madaxda faan iyo weeraro lagu qaado Siyaasiyiinta kasoo horjeeda,taasina ay keentay in maalin cad weerar lagu qaado Xarumaha muhiimka ah ee Dowladda.


Sidoo kale waxa uu usoo jeediyay Madaxda Hay’adaha Amaanka Dowladda Soomaaliya in ay icsilaan, madaama ay ku fashimeen xaqiinta amniga Magaaladda Muqdisho.

Hadalka Ex Xildhibaan Cabdi Barre ayaa kusoo beegmaya xili  Ciidamo ka tirsan Shabaab ay weerar ku qaadeen meel ku dhow xarunta Madaxtooyadda Soomaaliya.

 


Inta la xaqiijiyay waxaa weerarkaas iyo qaraxyadda ku dhintay 6-ruux oo 3-kamid ah ay aheeyeen ragii weerarka soo qaaday sida ay sheegeen Hay’adaha amaanka Dowladda Soomaaliya.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*