Goormee Ayuu Naqan Doonaa Safashadiisa Ugu Horreysa Ronaldo ee Juventus ?


Saxiixa cusub ee Naadiga  Juventus, Cristiano Ronaldo ayaa si aad ah loo sugayaa u u ciyaarista kooxdiisii hore.

Kabtan Portugal ayaa la rajeynayaa inuu u raaco Old Lady safarka dalka Mareykanka si uu kala qayb qaato kullamada isu diyaarinta ee xilli ciyaareedka cusub.


Juventus ayaa tartanka International Champions Cup la ciyaari doonta kooxaha Bayern Munich, Liverpool iyo Paris Saint-Germain

Kullanka ugu soo horreeya ayaa naadigiisa cusub ay la ciyaareysaa kooxda Bayern Munich 26-ka July, taasoo si aad ah hoosta uga soo gashay Ronaldo.


Maadaama uu xulkiisa Portugal u ciyaaray Koobka Adduunka, waxa uu u baahanyahay nasiino in cabbaar ah, taasoo macquul ah inuu safan waayo kullanka Bayern ay wajahayaan.

Real Madrid ayay qaabili doonta Bianconeri 4-ta August, waxaana ciyaartaas si aad ah loo filayaa inuu kasoo muuqan doono CR7.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*