Laacibka Miralem Pjanic oo ku dhawaaqay ka tagista Juventus


Sida laga soo xigtay Fabrizio Romano oo ka tirsan CalcioMercato.com, Fali Ramadani, wakiilka cusub ee xididga khadka dhexe ee Bosnian Miralem Pjanic, ayaa ku adkeysanaya inuu isku dayayo xiddiga uu wakiilka ka yahay inuu ka tago Turin.

Kooxaha ka dhisan England ee Chelsea, Manchester City iyo kooxda reer Spain ee Barcelona ayaa dhamaantood isha ku haya xaalada ciyaaryahanka.


Maalmihii la soo dhaafay, wakiilka cusub ee ciyaaaryahanka ninka lagu magcaabo Fabio Paratici ayaa kulan gaar ah la lahaa agaasimaha Juventus, si uu ugala hadlo mustaqbalka xiddigaan.

Paratici ayaa si cad u muujiyay, inuu dooneyn Pjanic ka tagista Turin, sidaas darteed waxaa lagu soo waramayaa inay dalbatay kooxidisa qiimo € 100 milyan ah.


Pep Guardiola ayaa la ogyahay inuu isku diyaarinayo dalab weyn oo uu ugudbiyo ciyaaryahanka ka dib markii uu seegay saxiixa Jorginho oo ku biiray Chelsea.

Wakiil Marotta Paratici iyo Juventus ayaa ka xaajoonaya maanta xaalada lagu iibin karo ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer Bosnia.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*