Naadiga Real Madrid Kama Quusan Saxiixa Laacibkii Bedelka ee Cristiano Ronaldo


Real Madrid ayaan weli ka rajo dhigin inay isku deydo lasoo saxiixashada Neymar xagaagaan, waxaaana ay xiriir joogto ah la leeyihiin wakiilada suuqa kala iibsiga si ay ugu qasbaan inay u dhaqaaqaan saxiixa ciyaaryahanka, sida ay sheegayaan wararka.


Xiddiga reer Brazil ayaa ku biiray Paris Saint-Germain isagoo heshiiska rikoorka suuqa kala iibsiga ugu qaalisan kaga tagay Barcelona xagaagii lasoo dhaafay.

Haatan waxaa la fahamsan yahay inuu diirada u saaran yahay Madrid oo muddo dheer xiiseyneysay saxiixiisa.


Neymar wuxuu isku dayayaa inuu xili ciyaareedka 2018-19 sii joogo kooxdiisa, isagoo sheegay inuu boqolkiiba boqol ku faraxsan yahay kooxda heysata horyaalka Ligue 1.

Warar kasoo baxaya Spain ayaa shaaca ka qaaday in Neymar uu weli yahay bartilmaameedka ugu horeeya Real Madrid, islamarkaana ay doonayaan inay tijaabiyaan qorshaha ay kusoo iibsanayaan isbuucyada soo socda ka dib markii Cristiano Ronaldo uu Juventus ugu biiray 88 milyan oo ginni horaantii bishaan.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*