Barcelona oo tallaabo ujirta saxiixa Steven N’Zonzi


Arsenal ayaa lagu garaaci karaa saxiixa Steven N’Zonzi kadib markii xiisihiisa ay soo gashay kooxda heysata horyaalka Spain ee Barcelona.

Tababaraha Gunners Unai Emery ayaa doonaya inuu dib ula midoobo xiddiga Sevilla ka hor inta uusan bilaabin xilli ciyaareedkiisii ugu horeya Emirates.


Laakiin Arsenal ayaa haatan diiday inay bixiso lacagta lagu burburin karo qandaraaska ciyaaryahanka oo ah 40 milyan oo ginni.

Sida laga soo xigtay wargeyska kasoo baxa Barcelona ee Mundo Deportivo, kooxda heysata horyaalka La Liga ayaa diyaar u ah inay galaan tartanka loogu jiro ciyaaryahanka reer France.


Catalan ayaa sidookale xiiseyneysay ciyaaryahanka khadka dhexe ee Paris Saint-Germain Adrien Rabiot, laakiin waxa uu doonayaa inuu sii joogo kooxidisa.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*