Laacibka Edinson Cavani Malaga Yaabaa In uu ku laabto Serie A?


Weeraryahanka kooxda Paris Saint-Germain Edinson Cavani ayaa lala xiriirinayay inuu ku laabanayo Napoli, laakiin tababare Carlo Ancelotti ayaa beeniyay wararkaas.

Carlo Ancelotti ayaan xiiseyneynin wararyahanka Paris Saint-Germain Edinson Cavani inuu kusoo laabto kooxdiisii hore ee Napoli.


Iyadoo PSG ay go’aamisay inay Neymar iyo Kylian Mbappe hogaamiyaan weerarja kooxda, haddana Cavani ayaa lala xiriirinayay inuu ku laabanayo Serie A.

Laakiin madaxweynaha Napoli Aurelio De Laurentiis ayaa soo jeediyay in Cavani uu u baahan yahay mushaar u dhigma kan hadda uu ka qato kooxdiisa PSG.


Ancelotti ayaa diiday wararka sheegaya in Cavani uu diirada u saaran yahay kooxda kubadda cagta eee Napoli.

“Waa warar xanta ah oo suuqa kaliya ku eg” ayuu yiri Ancelotti. oo hogaamin doona Napoli xili ciyaareedkam dambe.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*