AKHRISO:Madaxweeyne Farmaajo”Waxaa Wanaagsaneed in uu Hargeeysa Ka Dego Halkii uu Asmara Ka Tagay”


Iyadoo uu Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo uu booqasho seddex cisho ku joogo magaalada Asmara ee dalka Eriteria ayaa waxaa arrintaasi ka Hadllay Shacabka soomaaliyeed Wayna soo dhaweeyeen Balse Waxa ay ku Tilmaameen Safarka Madaxweeynaha in uu Dhax Dabaalanayo Biyo ay Dufaani la socdaan

Maxaa looga Bahanaa Oo Talaabo ah in uu qaado Madaxweyne Farmaajo:

Waxaa   xiligaan looga baahanaa Madaxweeynaha Soomaaliya Maxamed Farmaajo in uu Xooga saaro Siyaasada Arrimaha Guddaha ,Waxaa aad ugu sharaf badneed in uu diyaarada qaato uu Ka dego Magaalada Hargeeysa Si uu Wadda hadal Toos ah ula yeesha Madaxda Somaliland Asigoo kala Hadlayo waxa ay doonayaan shacabka somaliland iyo in labada shacab laga shaqeeyo mideeyntooda .Sidoo kale waxaa aad u  wanaagsaneed in uu xooga saaro Joojinta Dagaalada ka socda Tukaraq ee u dhaxeeya labada maamul Soomaaliland iyo Puntland

Tusaale: R/Wasaaraha Itoobiya Waxa uu ka dagay Caasimada Eritrea Waxaana uu Muujiyay Go,aano Geesinimo leh waxaana uu soo afjaray colaad dheer oo u dhaxeeysay labada dal itoobiya iyo Eritrea.

 

Dhinaca kale  Siyaasada Caalamka ayaa ah Waqtigaan Mid Qatarteeda Leh Soomaaliyana Waxa ay Tahay Meelaha ay Caalamka Inta badana Ku dhex dagalaamaan Sida Dagaalada u dhaxeeya Waddamada Khaliijka Sacuudiga imaaraatka Masar & Qatar.Turkiga

Balse Imaaraatka iyo Xulafadiisa ayaa Waxa aad Moodaa in waqtigaan ay Ku Guuleeysatay Siyaasada Geeska afrika Maadaama looga Soo adkaaday Siyaasada Gudda Soomaaliya. Si kastaba Ha ahaatee ma aysan fariisan Imaaratka Waxa ay Weerar Lama Filaan ah ku qaadaan in ay ku guuleeystaan in ay nabadeeyaan Dowladaha uu dagaalka ka dhaxeeyay ee deriska ahaa Sidoo kale waxa ay qandaraasyo la galeen dekadaha Dalka Eritrea .


Inkastoo aan la ogeeyn in ay Guleeysanyaan Siyaasdaha ay damacsan yihiin Imaaraatka Maxaa Yeelay Waa Dad ka soo Horjeedaa Horumarka ay Gaarayaan Wadamada Geeska Afrika.Waxa ay u arkaan Hadii ay wadamadaasi ay Horumar sameeyaan in ay ayaga Dhulka Galayaan Oo ay Ka Tir-tirmayaan Caalamka.

Maxaa Looga Baahan Yahay Dowlada Soomaaliya Waqtigaan in ay qaadato?

Dowlada uu Hogaamiyo Madaxweyne Maxamed Farmaajo Waxaa looga Baahan yahay waqtigaan in uu Muujiyo Daganaan siyaasadeed Waayo Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed Waqtigaan Umma Diyaarsano in ay Dagaalo Siyaasadeed ay Galaan Waa Shacab Daalan oo dhibaato ku dhex jiray in ka badan 28sano Dagaalka u dhexeeya Carabta Waa dagaal qatartiisa leh Waxaana wanaagsan in dowlada Soomaaliya ay dhex-dhexaad ka naqota,Sidoo kale waxaa wanaagsan in ay aad u adkeeyso Xariirka Walaalaha Turkiga ayna Ka Foojignaato Siyaasadaha Dhagarta carbeed,”Carab waa dad walaalo ah weyna heshiinayaan beri balse Haddi aad Saxibkii ku wanagsanaa aad Dartooda Xariirka ugu Jarto Maxaa kuu talo ah


Ugu danbeeyntii Madaxweeyne Maxamed Farmajo lama doonayo in uu u dhaqmo sidii uu ula dhaqmay Muwadinkii somaliyeed ee loo gacan geliya dowlada itoobiya C/Kariin Qalbi dhagax, Waxaa Wanaagsan in uu Waqti Badan Ku Bixiyo Siyaasada Arrimaha Guddaha Iyo Amaanka Gudaha Horumarka  Dhaqaalaha uuna iska Jooji siyaasada ku dhisan Nin jecleeysiga.uuna Ka Tala Geliyo Aqoonyahana Muwaadiniinta Soomaaliyeed Si Xal Looga Gaaro arrimaha Murugsan ee dalka iyo Dadka iyo sidii looga Foojignaan Lahaa Dhagarta Carbeed.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*