AKHRISO:Saamaynta Iyo Isbeddelka Siyaasadeed ee Ka Socda Geeska Afrika ?Waa Sidee Xariirka Soomaaliya iyo Jabuuti?


Dalka Jabuuti ayaa Maalintii  Arbacada aheeyd soo saartay hadal ay uga caraysnayd baaq uu madaxweynaha Soomaaliya ka jeediyey Asmara, kaas oo uu ku dalbanayey in xayiraadda laga qaado Eritrea.

Waxay u sababaysay in arrintaas aysan ka Sugeeyn in ay ka timaado Soomaaliya.

Safiirka Jabuuti ee Soomaaliya, Aadan Xasan Aadan, oo BBC la hadlay wuxuu sheegay in Farmaajo uusan ka hadlin “dhulka iyo maxaabiista Jabuuti laga haysto”, oo taa beddelkeeda “uu Asmara kaga dhawaaqay in Eritrea cunaqabataynta laga qaado”.


 

Sidoo kale Jabuuti waxay ku gooddisay in aysan arrintaas u dulqaadan doonin, ayadoo ciidankeeda ay Soomaaliya u joogaan “difaaca nabadda iyo deganaanshaha Soomaaliya” .

Soomaliya midkee u muhiimsan Eritrea iyo Jabuuti?

Dr Xasan Sheekh Cali oo arrimaha gobolka iyo kuwa islaamka falanqeeya wuxuu aaminsan yahay in juquraafi ahaan sida loogu kala dhow yahay Soomaaliya loogu kala muhiimsan yahay, oo muhiimadda 1aad ay u leeyihiin Soomaaliya dalalka jaarka la ah, ayadoo dhinaca kalena aysan meesha ka marnayn in Soomaaliya iyo Jabuuti ay ka dhaxeeyaan diin, dhaqan iyo dhalasho.

Maxamed Nuur Caalin oo hore u soo noqday diblomaasi, aadna u falanqeeya arrimaha gobolka wuxuu qabaa aragti midaas u yara dhow.

“Go’aan siyaasadeed ayaa dhici kara in madaxweyne Farmaajo lagu tirtirsiiyey in hadduu isku tuuro uu dano siyaasadeed ka helayo. Wuxuu qaatay go’aan halistiisa leh oo dadka maanta jooga aysan fahmi karin”.

Xasan Sheekh cali wuxuu sheegayaa in ay haboonayd in madaxweyne Farmaajo uu ku sii wargeliyo dhigiisa jabuuti, booqashada uu ku tagayo Eritrea, wuxuuna ku tilmaamay “farsamo xumo diblomaasiyadeed”.

“Waxaa meesha ka muuqanaysa in madaxweynaha Soomaaliya uusan si fiican u fahmin nidaamka siyaasadda juquraafiga ee mandiqadda” ayuu sii raaciyey.

Caalin ayaase u arka khilaafka u dhaxeeya Eritrea iyo jabuuti inuu yahay mid ku qotoma juqraafi ahaan meesha ay ku yaallaan iyo dhulka ay ku loollamayaan, oo Soomaaliya aysan xuduud ku lahayn, danaheeda istaraatijiyadeedna aysan ku xirnayn.

Jabuuti maxay uga gilgilatay cunaqabataynta saaran Eritrea?


Sagaalkii sano ee Eritrea ay cunaqabataynta saarnayd, Jabuuti waxay aad ugu ololaynaysay in cunaqabataynta lagu sii adkeeyo. Sababtu maxay tahay?

Waa kan Caalin.

“Cunaqabataynta saaran Eritrea waxay Jabuuti u suurtogalisay in dekedo badan ay dhisato, ayadoo kuwa Eritrea looga cararay cunaqabataynta saaran iyo sawirka laga bixiyey oo aan qurxoonayn daraadood. Sidoo kale, joogitaanka ajaanibta ka fogaanaya inay Eritrea tagaan waxay ay Jabuuti ka heshaa dhaqaale badan, sidaa darteed, cunaqabataynta oo laga qaado Jabuuti waxay loollan adag gelinaysaa maqaamkeeda gobolka, waxayna soo nooleynaysaa Eritrea oo haddeerba cilaaqaad aad u fiican la soo ceshatay Itoobiya” ayuu yiri Caalin.

Haddaba ilaa xad dadka wax falanqeeya waxay khilaafkan wax ka saarayaan isbeddellada siyaasadeed ee gobolka ka socda.

Saamaynta isbeddelkaas uu ku yeeshay xiriirka Soomaaliya iyo Jabuuti maxaa lagu sheegi karaa? Mar kale Maxamed Nuur Caalin.

“Isbeddelka hadda socda waxaa loogu yeeraa isbeddelkii qowmiyadaha. Jabuuti waxay ka mid tahay dalalka uu isbeddelkaas saamaynayo, waayo qowmiyadaha aan ka hadlayno waa Soomaalida, Cafarta, Tigreega, Amxaarada iyo Orommada. Tusaale ahaan, dhinaca Cafarta oo kale, waxay maslaxadooda u arkaan in la isku furo dhulkooda, ilaa iyo Casab iyo Musawac” ayuu yiri Caalin.

Wuxuu tilmaamay in taasi ay timid bacdamaa deegaannada dekedaha ay dhistay Jabuuti ay ku yaallaan dhinaca xudduudda Soomaaliya, sidaa darteedna ay cafartu dareemayaan in si loo yara gacan bidixeeyey.

Talaabada xigta maxay noqon kartaa?

Maxamed Nuur Caalin wuxuu si aan leexleexad lahayn u abaaray waxa uu u arko inay noqon karto talaabada soo socota.

“Cunaqabataynta Eritrea waa laga qaadayaa, waayo waxaa u ololaynaya dalal waaweyn sida Itoobiya, Maraykanka, Israa’iil, Iimaaraadka iyo dalalka dhibaatada ku qaba dhallinyarada Eritrea ee dalkooda ka cararaya. Dhinaca kalena, dadaalka Eritrea ay u gashay in cunaqabataynta laga qaado waxaa keenay dekedaha waaweyn ee Jabuuti oo lagu wareejiyey Shiinaha, maraykanka iyo Shiinahana loollan adag ayaa Afrika ku dhex maraya” ayuu yiri Caalin.

Dhinaca cilaaqaadka Soomaaliya iyo Jabuuti marka la soo qaado, wuxuu sheegay Caalin oo hore diblomaasi u soo noqday in ay u muuqato in dawladda Jabuuti ay faragelin ku samayn doonto siyasadda arrimaha gudaha ee Soomaaliya.

“Ismaaciil Cumar Geelle aad ayuu isaga ilaalin jiray inuu arrimaha gudaha ee Soomaaliya faraha la soo galo, markanse waxay u badan tahay inuu xilliga doorashooyinka keensado musharaxiin, waayo marnaba Geelle kama uusan filanayn in biriijka (buundada) cunaqabataynta looga qaadayo Eritrea ay ka mid noqoto Soomaaliya” ayuu falanqayntiisa ku gunaanaday Maxamed Nuur Caalin.

Inkastoo labada falanqeeye ay dhinacyo kala duwan ka eegeen arrintan, haddana waxaa muhiim ah in hoosta laga xarriiqo in khilaafka soo dhex galay Soomaaliya iyo Jabuuti uu ku soo beegamay in yar ka dib Kulankii ka dhacay Abu Dhabi 24kii Luulyo, ee dhex maray Sheekh Maxamed Bin Zaayid aala Nahyaan, Abiy Axmed iyo Isaias Afwerki, taas oo aan hore u falanqaynay.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*