Anthony Martial Oo La Sheegay In uu sharuud ku joogaya Naadiga Man Utd


ANTHONY MARTIAL ayaa lagu soo waramayaa inuu sii joogi doono Manchester United inkastoo uu isbuucyadii ugu xumaa qandaraaskiisa kooxda kujiro.

xiddiga reer France ayaa horaantii xagaaga u sheegay wakiilkiisa inuu u raadiyo koox cusub, isagoo doonaya inuu ka tago Old Trafford kadib markii uu boos ka waayay shaxda kowaad ee Jose Mourinho.


Martial oo kaliya hal sanno kaga haray qandaraaskiisa haatan, ayaa kaliya 18 kulan ciyaaray 38 kulan oo Premier League ay ka ciyaartay United xili ciyaaareedkii hore


Waxa uu sidookale 90 daqiiqo ciyaaray kaliya shan jeer intii lagu jiray xili ciyaraeedkii 2017-2018.

Si kastaba ha ahaatee, Martial oo ugu dambeyn ku soo laabatay tababarka United shalay ayaa diyaar u ah inuu sii joogo kooxdiisa haddii uu ka helayo booska joogtada ah.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*