Maurizio Sarri Oo Codsadat Hal Saxiix Naadiga Chelsea


Tababaraha Chelsea Maurizio Sarri ayaa ku faraxsan kooxdiisa, lakiin wuxuu sheegay in Blues ay u baahan tahay hal ciyaaryahan ka hor inta uusan  xirmin suuqa.


Sarri ayaa qaban doona kulankiisii ugu horeyay tartan rasmi ah kooxda Chelsea, isagoo ka hor imaanaya Pep Guardiola iyo kooxdiisa hantay horyaalka Premier League.

Ka hor ciyaarta, wuxuu ka hadlay suuqa kala iibsiga “Waxaan u maleynayaa inaan u baahanahay saxiix cusub, laakiin kaliya waa hal ciyaaryahan.

“Waxaan la hadlay kooxdeyda suuqa noo qaabilsan, mar dambe lama hadli doono waayo waan ogahay in shaqadoodu tahay suuqa kala iibsiga.

Intaa waxaa dheer, inaan dooonayo inaan waqti dheer kusugnaado garoonka Stamford Bridge.


“Waxay ku xiran tahay taas naadiga, waxaan doonayaa inaan halkaan sii joogo sannado badan” ayuu hadalkiisa raaciyay tababaraha Chelsea

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*