Naadiga PSG oo Arsenal kula dagaallamaysa saxiixa daafacan ka tirsan AC Milan


Sida ay ku warramayso Telegraph PSG ayaa diyaar u ah in ay Arsenal kula dagaallanto saxiixa daafaca garabka bidix kaga ciyaaara AC Milan iyo xulka Switzerland ninka lagu magacaabo Ricardo Rodriguez.


Tan ayaa timid kadib markii warar soo baxay subaxnimadan saaka ay sheegeen in tababaraha Arsenal Unai Emerry uu doonayo in uu Emirates keen xidigan heerka caalami ee reer Swiss, si ugu buuxiyo booska daafaca bidixi ee kooxda maadaama  Kolasinac iyo Monreal laga yaabo in ay seegaan bilawga xilli ciyaareedka.


Si lamid ah PSG ayaa ah koox kale oo doonaysa in ay hesho daafac bidix oo cusub, kooxda caasimadda ayaana diyaarinaysan 30-malyan oo Euro si ay ula soo saxiixato Ricardo Rodriguez.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*