Boris Johnson Oo Diiday In uu Raali Galin Ka Bixi Hadalka uu Niqaabka Ka Sheegay


Boris Johnson ayaa ku adkaysanaya hadalkii uu ka sheegay niqaabka ka dib markii gudoomiyaha xisbiga Conservative uu u sheegay in uu raali galin ka bixiyo.

Wasiirkii arrimaha dibadda ee hore ayaa lagu dhaliilay in uu yiri dumarka Muslimka ah ee niqaabka xiran “waxay u egyihiin “sanduuq” wuxuuna barbar dhigay “dadka bangiyada dhaca”.


Dhinaca kale Ra’iisulwasaare Theresa May ayaa taageertay baaqyada loo jeedinayo Johnson ee ah in uu hadalkaas raali galin ka bixiyo, iyada oo sheegtay “in ay caddahay in hadalkaas la qoonsaday”.


Balse qof ka agdhaw Johnson ayaa sheegay “in uusan raali galin ka bixin doonin”, wuxuuna intaas ku daray in ay “qaabdarro tahay” in aragtidiisa lagu weeraro.

Hadalka ka soo yeeray Johnson ee uu ku qoray wargeyska Daily Telegraph ayaa horseeday dhaleecayn ay u soo jeediyeen kooxaha Muslimiinta ah iyo qaar ka mid ah xildhibaannada Conservative iyo xisbiyada mucaaradka.

Twitter waxaa daabacay @BBCr4today: .@AlistairBurtUK says he "would never have made" the comment about burqas which @BorisJohnson is being criticised for  "I think there is a degree of offence in that... the point he was trying to make was the government will not enforce any clothing restriction" #r4today

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*