Ciidamada Itoobiya Oo 4 Qof Ku Dilay Magaalada Jigjiga


Ciidamada milatariga Ethiopia ayaa saacadihii la soo dhaafay illaa 4 qof shacab ahaa ku toogtay gudaha magaalaad Jigjiga ee xarunta Ismaamulka Soomaalida Ethiopia, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka ee Ruters.


Dadka ay toogteen Ciidamada Ethiopia ayaa la sheegay in ay ahaayeen dibadbaxayaal ka soo horjeeday bililiqo iyo boob lagula kacay hantidooda iyo dukaamadoodii oo la jabsaday, sida ay dad goobjoogayaal ah u xaqiijiyeen Rueters.

Sabtidii aynu ka soo gudubnay ayaa waxa ay rabshadoo xoogan ka bilowdeen M/ Jigjiga kadib markii ay gudaha u galeen Ciidamada milatariga Ethiopia, kuwaasi oo doonayay in ay gacanta ku soo dhigaan madaxweynihii hore ee maamulkaasi Cabdi Maxamuud Cumar.


Tallaabadan ayaa imaaneysa, xilli uu  is casilay madaxweynihii Ismaamulka Soomaalida Ethiopia Cabdi Maxamuud Cumar, islamrakaana xilkii Madaxweynenimo uu la wareegay Axmed Cabdi Maxamed Ilkacase oo ahaa Wasiirkii Maalyadda ee isla maamulkaasi.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*