Dowlada Soomaaliya Oo Shaacisay in ay Taageerayso Goanka Boqortooyada Sacuudiga


Waxaa meel xun gaaray xiriirkii Diblumaasi iyo midkii ganacsi ee u dhaxeeyay Dowladaha Sacuudiga iyo Canada, kadib markii dowlada Canada ku cambaareesay Sacuudiga dad la xir xiray.


Sacuudiga ayaa dalkeeda ka eriday safiirkii dowlada Canada u joogay magaalada Riyaad, waxa ayna Sacuudiga u yeeratay safiirkii u joogay dalka Canada, waxa ay sidoo kale Sacuudiga joojisay xiriirkii ganacsi iyo duulimaadkii Canada ka imaan jiray.


War Saxaafadeed kasoo baxay Wasaarada Arimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay garab taagan tahay Sacuudiga, kasna oo horjeedo in faragalin lagu sameeyo Arimaha Gudaha Sacuudiga.

“Iyadoo laga ambaqaadaayo arrinkani, Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay adkeyneysaa taageeridda mowqifka diidmada ee Dowladda aanu walaalaha nahay ee Boqortooyada Sucuudi Carabiya ee faragelin dibadeed oo lagu sameeyo arrimaheeda gudaha, iyadoo la tixgelinayo mabda’a aan oggolaanayn faragelin ee lagu caddeeyay Axdiga Qaramada Midoobay, oo ay ku jirto gobonnimadeeda iyo madax bannaanida go’aan gaariddeeda iyo waxa ay jideyso oo ah siyaasado ama habab garsooreed oo xiriir la leh shuruucdeeda qaran.

Ugu Dambeyn War saxaafadeedka kasoo baxay Wasaarada Arimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay rajeeneyso in dib loo soo celiyo xiriirka Diblumaasiyadeed ee Sacuudiga iyo Canada lagana heshiiyo khilaafka 

Si kastaba Ha ahaatee Waxaa aad loola yaabah Hadalka Ka soo baxay Dowlada soomaliya Kaasi Oo ah In ay Taagero u Muujiso Dowlada Carbeed ee sacuudiga Waxaa  isweeydin mudan Imisa Qof Oo Somali ayaa Ku Nool Dalka Canada Maxaa Laga Faaiday Carab,

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*