Faah-Faahinadii Ugu Danbeeyay Khasaaraha ka Dhashay Saddex Qarax Iyo Dad Lagu Toogtay Muqdisho


Faah-faahino kala duwan ayaa laga helayaa qaraxyo khasaare dhimasho iyo dhaawac geystay oo maanta lala eegtay Kolonyo ka Tirsan Ciidamada Midowga Afrika  AMISOM.

Qaraxyadda oo loo adeegsaday Miinadda dhulka lagu aaso oo seddex ahaa ayaa Lala eegtay gaadiid ay la socdeen Ciidamadda AMISOM oo marayay agagaarka Isgoyska Sos Degmadda Heliwaa.

Qaraxa koowaad ayaa haleelay mid kamid ah Gawaaridda Ciidamadda AMISOM,waxaana daqiiqado kadib la maqlay laba qarax kale oo lagu bur buriyay mid kamid ahaa gadiid ay wateen ciidankaasi.


Khasaare ayaa lagu soo waramayaa inuu soo gaaray ciidamada Midowga Afrika Amisom, markii ay dhaceen qaraxyada rasaas badan ayaa la sheegay inay fureen ciidamada oo dad rayid ay ku dhinteen.

Dhanka kale Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda Federalka Somaliya ayaa sheegay qaraxyada inay ahaayeen miinada nooca dhulka lagu aaso oo ciidamadan lala eegtay.


Inta la xaqiijiyay 5-ruux ayaa ku dhimatay rasaas ay fureen Ciidamada Midowga Afrika Amisom,Qaraxyadda kadib sida goob-joogayaal ay inoo sheegeen.

Maamulka degmada ayaa xaqiijiyay qaraxyada inkastoo wali aysan ka hadlin khasaaraha rasmiga.

Wali majirto cid sheegatay mas’uuliyada qaraxyadaasi khasaaraha dhaliyay.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*