Labo Meeyd Oo Dadka Oromada ah Ayaa Laga Helay Boosaaso


Wararka laga Helaayo Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa Sheegaya in maanta laga helay Meydadka labo ruux oo Oromo ah, kuwaasoo oo la sheegay in la dilay.


Qaar ka mid ah dadka kunool Boosaaso ayaa Warbaahinta u sheegay in labadda ruux Mid ka mid ah Qoorta laga jabiyay sidaasna uu ku dhintay.

Labo ruux ayaa la sheegay in ahaayeen dhalinyaro, islamarkaana si xun loo dilay.

Lama ogga Cidda falkaasi geysatay ,Laakiin maalin sii horaysay ayaa muuqaal nin Oromo ah oo la dilaayo lagu baahiyay Baraha Bulshadda.


Ciidamada Ammaanka gobolka Bari ayaa bilaabay howlgal ay ku baadigoobayaan dadka dilka u geysanaya Oromadda.

Sidoo kale Maamulka gobolka Bari ayaa shalay digniin adag kasoo saaray falalka lagu laynaayo dadka Oromadda ah Inkastoo ay Dadka Oromada ah ay Ku dilayaan Dadka Soomaaliyeed Guddaha Itoobiya 

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*