Maqaal:Yaa Sheegay Markii Hore in UNITED NATIONS ay Wadamada u Dhisaan Ciidan Qaran?


Waxaa maqaal dheer oo ka hadlaaya sida Amerika iyo Jimciyada Qaruumaha Ka dhexeysa ugu fashilmeen in aay dib u dhisaan Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed lagu soo qoray Joornaalka Af-dheer ee FOREIGN POLICY (August 7, 2018)

Hadaba waxaa SU’AAL AH: SU’AAL: Yaa markii hore-ba sheegay in the UNITED NATIONS in aay wadamada u dhisto Ciidan Qaran?
Dhab ahaantii waa nasiib daro iyo jaha-warweer siyaasadeed in dadka Soomaaliyed loogu sheekeeyo waxaa Ciidankii Soomaaliya dhisaaya Ururo Caalami ah sida UN iyo EU, aduunyada horay uma dhicin hadana ma dhici-doonto in UNs in aay Soomaaliya Ciidan Qaran u dhisaan, ASAL AHAANA Ciidan Qaran waxaa dhisa HOGAAMIYE talada ku qabtay

(1) Wada SHARCIYA (for legitimacy).

(2) Lehna aragti fog oo qaranimo iyo karti-fulineed

(3) isla markaasna haysta dhaqaale ku filan…..

Sidaas oo aay tahay waxaa dhici karta in uu dhismo wax u eg Ciidan Qaran waase hadii TAAGEERO dhankasta ah laga helo Wadan-weyn (almost superpower), waa sidii Ka dhacday Soomaaliya sanadadii (1963-1976)…Midowgii Sofyeeti ayaa Soomaaliya ka dhisay wax u ekaa Ciidan Qaran, balse ceebta ciidankaasi leeyahay ayaa ah in aanu Ka danbeeyn dowladii dhistay hadii aay meesha Ka baxdo, bal fiiriya: Soomaaliya waxay xiriirkii Ciidan u jartay Midowgii Sofyeeti bishii November 13, 1977dii, nasiib daro 147 maalmood Ka bacdi (April 9, 1978), Ciidamadii Sofyeetigu dhisay ayaga oo TUUTE gashan (isla-markaasna beelo ahaa), ayay ku dagaalameen Wasaarada Gaashaan-dhiga horteeda, ilaa iyo saacadaan aan qoraalkaan qoraayona dagaalkii bilowday maalintaas (April 9, 1978), wali Soomaaliya waa Ka socdaa, sababta oo ah cudurkii keenay dagaalkaas wali xal looma helin….Sidaas darteed, sinaba suurta-gal uma ahan in hada Soomaaliya yeelan karto Ciidan Qaran oo tayo leh….Sababta oo ah 2dii arimood aay ku suurta geli-laheed in la dhiso Ciidan Qaran midna lama haayo:


1. Hogaamiye leh aragti qaranimo, hogaamiye leh karti-fulin, isla markaasna haysta dhaqaale ku filan iyo mida ugu daran Wadan-Weyn oo arimaha Soomaaliya garabka saarta….Gebogebadii, hadalka oo kooban haba-yaraatee ma jirto baahi aan u qabno in Foreign Policy inoo sheegto in wax ka khaldan-yihiin Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed, sababta oo ah dadka Soomaaliyeed ayaa qofkasta Ka og sababaha hortaan in dalkaan uu ka hano-qaado Ciidan Qaran, HAL KALIMO: Hadii la doonaayo in Soomaaliya laga dhiso dhanka Ciidamada waa in MARKA HORE laga soo dhisaa dhanka siyaasada.FULL STOP Inta Siyaasada Soomaaliya jaha-warweer-santahay Soomaaliya waxaa ka j
iri-doona ciidan jaha-warweersan….


Soomaaliya Ha Guuleeysato: Aamiin

 

 


 

W/qoray Hassan Sheikh

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*