Garsoorkii Hiiraan Oo Yiri”Waan Diidnay Go,aankii Lagu Kala Diray Garsoorkii Hirshabeelle”


Guddoomiyaha Maxkamada Racfaanka ee gobolka Hiiraan Ibraahim Xasan Cabdulle ayaa ayaa sharci daro ku tilmaamay go’aankii ay Baarlamaanka Hirshabeelle ku kala direen garsoorka maamulka Hirshabeelle.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in Baarlamaanka Hirshabeelle aysan awood u lahayn in ay kala diraan Garsoorka islamarkaana uusan sax ahayn go’aankii Baarlamaanka ay qaateen.

Waxa uu tilmaamay in Wasiirka Wasaarada Cadaalada Hirshabeelle uu arrintan ka dambeeyo sida uu sheegayna ay jiraan khilaaf u dhaxeeya Xubnaha Garsoorka ka shaqeeya iyo Wasiirka Cadaalada.

Waxa uu xusay in ay shaqadooda sii wadanayaan, sidoo kalena aysan aqbali doonin go’aanka ka soo baxay Baarlamaanka Hirshabeelle.


“Wax ka jira ma lahan, iyaga ayaa laga rabaa inay cadeeyaan meesha ay u fasaxeen, waan u sheegnay Madaxweynaha iyo xu-xigeenkiisa, Wasiiirka Cadaladda isaga ayaa ka dambeeya arrintan, nidaamka ay u mareen arrintan way ku qaldan yihiin”. Ayuu yiri Gudoomiye Ibraahim.


Si kastaba Ha ahaate Lixdii bishan August ayay ahayd markii Baarlamaanka Hirshabeelle uu kala diray Garsoorka maamulka Hirshabeelle kadib kulan ay ku yeesheen Magaalada Jowhar ee caasimadda Hirshabeelle.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*