Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Soomaaliya oo shaqada laga joojiyay


Wararka ka imanaya magaalaad Muqdisho ayaa sheegaya in shaqada laga joojiyay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha dibadda.


Wareegto ka soo baxday Xafiiska R/wasaaraha Soomaaliya ayaa shaqada looga joojiyay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha dibadda xukuumadda Fedaraalka Mukhtaar Mahad Daa/uud.


Hanti-dhowraha guud ee Soomaaliya ayaa horay u sheegay in 4-tii April ee sanadkan uu gal dacwadeed ka dhan ah wasiir ku xigeenka u gudbiyay xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee qaranka taasoo la xiriirtay ku takri falka hantida qaranka.

Hasa yeeshee warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibedda ayaa lagu beeniyay eedeymahaasi

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*