Cabdi Faarax Siciid Juxa Oo Garoowe Kaga Dhawaaqay Inuu Yahay Musharax Madaxweyne Puntland 2019


Magalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal Puntland waxaa ka dhacay munaasabad uu kaga dhawaaqay in uu yahay musharax Madaxweynaha Puntland Wasiirkii hore e Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi faarax Siciid Juxa.


Goobta Munaasabada ayaa waxaa ku sugnaa siyaasiyiin, dhalinyaro iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ku nool magaalada Garoowe,waxana  uu ku dhawaaqay in uu u sharaxan yahay Madaxweynaha Puntland doorashada la filayo in ay dhacdo Sanada 2019-ka.

Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Soomaaliya Soomaaliya Cabdi faarax Siciid Juxa ayaa mar waxa uu sidoo kale soo noqday wasiirka waxbarashada Puntland xilligii uu Puntland Madaxweyne ka ahaa Cabdiraxmaan Sheekh Maxamuud Faroole


Marka laga soo tago musharaxnimada Madaxweynaha Puntland ee Wasiirkii hore e Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi faarax Siciid Juxa ayaa waxaa jira tiro kale oo musharaxnimadooda ku dhawaaqay iyo kuwo kale oo bilaha nasoo aadan ay ku dhawaaqi doonaan.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*