Kooxo Ka Ganacsanayey Maandooriyaha Xashiishka Oo Gacanta Lagu Soo Dhigay Kismayo


Ciidamada Booliska ee Maamulka Jubbaland ayaa gacanta ku soo dhigay rag ka ganacsanayey maandooriyaha xashiishka loo yaqaano.

Raggan oo ka koobnaa labo nin ayaa laga soo qabtay xaafado ka tirsan magaalada Kismaayo sida ay sheegeen saraakiisha booliska magaaladaas.

Waxaa sido kale lala soo qabtay raggan dhowr kg oo ka mid ah xashiishka ay ka ganacsanayeen, waxaana lagu soo bandhigay magaalada Kismaayo.


Saraakiisha booliska Jubbaland ayaa sheegay iney ku daba jiraan kooxo kale oo ka ganacsada xashiishka maandooriyaha, iyagoo xusay in labada nin ay sharciga horgeyn doonaan.


Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*