Guddoomiyaha Golaha Shacabka Oo Sheegay Xilliga uu Furmayo Kalfadhiga 4aad ee Baarlamaanka


Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa ku dhawaaqay in 10-ka bisha September uu si rasmi ah u furmi doono Kalfadhiga 4aad ee Golaha Shacabka.


Qoraal ogeysiis ah oo uu Guddoomiyaha u kala diray Xildhibaanada ayuu ku wargeliyay in Xildhibaanada ay ugu dambeyn 5-ta bisha September ay ku soo xaroodaan, kuwooda dalka ka maqan.

“Sida aad la socoto furitaanka kalfadhiga 4-aad, ee Golaha shacabka waxaa loo qorsheeyay in la furo 10-ka September 2018-ka, sidaasi daraadeed waxaa dhammaan Xildhibaanada Golaha shacabka laga codsanayaa iney dalka soo galaan ugu danbeyn 5-ta September 2018, diyaarna u noqdaan xil-gudashada uga beegan kalfadhiga 4-aad ee Golaha shacabka,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Xafiiska Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan.


Kalfadhigii 3aad ee Golaha Shacabka ayaa ahaa kii ugu fadhiyada yaraa ee Soo Mara  Baarlamaanka, waxaana inta uu socday kalfadhigaas Baarlamaanka hareeyay qalalaase siyaasadeed oo xilka looga tuuray Guddoomiyihii hore Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Akhriso qoraalka Guddoomiye Mursal

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*