February 23, 2020

Dagaal Caawa Ka Dhacay Magalada Marka Iyo Faah Faafhin Laga Helaayo


Warar dheeraad ayaa ka soo baxaya dagaal geystay khasaaro oo Caawa Kooxo ka tirsan Al-Shabaab iyo Ciidamada Dowladda Soomaaliya ku dhexmaray Magalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose.


Dagaalka ayaa yimid kadib markii rag hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab ay Magalada ka weerareen dhinaca xigta Jilibka Marka ee Xeebta ah,waxaana halkaasi ka dhacay dagaal  mudo Saacad ku dhow socday.

Dadka ku nool Magaalada Marka waxa ay  sheegeen in ay maqlayeen dhawaqa hubka noocyadiisa kala duwan oo ay isku adeegsanayeen labada dhinac ee dagaalamayey balse aysan cadeyn karin khasaaraha ka dhashay.


Dhinaca kale Mas’uuliyiinta Maamulka Magalada Marka iyo saraakiisha Ciidamada Guutada 14-ka October oo dhawaan la wareegay Magalada weli kama hadlin dagaalkaas Caawa ka dhacay Magalada Marka.

Wararkii u dambeeyey.ee haatan laga Helayo Magalada Marka ayaa waxa ay sheegayaan in xaaladu ay tahay mid degan,isla markaana dadka badi ay yihiin kuwo Guryahooda ku xarooday.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*