Wararkii ugu dambeeyey ee ciyaaraha


Kooxda Nottingham Forest ayaa sanadkii labaad ee taxane ah waxa ay koobka ka reebtay kooxda horyaalka Ingiriiska ka dheesha ee Newcastle United oo ay uga badisay 3-1.

Nottingham Forest ayaa goolka koowaad dhalisay daqiiqadii labaad ee ciyaarta, waxaana ay kooxdaasi ka dheesha horyaalka labaad ee England ay sidaa ugu gudubtay wareegga saddexaad ee koobkan.

Isla xalay waxaa wareegga saddexaad usoo gudbay kooxaha Everton ito Watford ka dib markii ay si sahal ah uga badiyeen Rotherham iyo Reading oo ay la kala ciyaareen.

Dhanka kale, madaxii hore ee xiriirka kubadda cagta Koonfur Amerika, Juan Angel Napout, ayaa lagu xukumay 9 sano oo xabsi ah ka dib markii lagu helay inuu laaluush qaatay xilligii uu ahaa ku xigeenka madaxa FIFA.


Ninkan u dhashay Paraguay ayaa sidoo kale lagu xukumay ganaax lacageed oo dhan 1 milyan oo dollar.


Maalma ka hor ayay ahayd markii sidan oo kale loo xukumay madaxii hore ee xiriirka kubadda cagta Brazil, Jose Maria Marin.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*